Daawo Sawirrada:- Qaabkii Ay u Dhacday Munaasabadii Loogu Dabaal Dagayay Aas aaska Ciidanka Cirka

Munaasabad  loogu Dabaaldageyay Sanadguuradii 58-aad ee Ka soo Wareegtay Aas aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka,islmarkaan ay ka qeyba galeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya, taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Qaarkamid ah Taliyaashii Hore ee CXD Saraakiil katirsan Cidamada Xoogga Dalka kuwa Booliksa ayaa Lagu Qabtay Xarunta Cirka ee Maqaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Waxa ay Salaan Sharaf ka qaateen Cutubyo katirsan ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka soomaaliyeed.

Ugu horeyn ayaa waxaa Munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali (Dable-Beyloot), wuxuuna ku dheereeday ka sheekeynta Taariikhda ay leeyihiin Ciidanka cirka iyo marxaladihii kala duwanaa ay soo mareen.

Wuxuu sheegay Taliyaha in marxalado kala duwan uu soo maray Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka,islamarkaana uu saameyn ku yeeshay bur burkii dalka soo maray,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in Ciidanka Cirka hadda uu marayo meel wanaagsan oo u baahan in horay looga sii dhaqaajiyo.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali Dable-beylood ayaa ugu baaqay madaxda Qaran iney waqti u huraan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Ciidanka Cirka.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorad Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ka Hadley Munsabada ayaa Hambalyo U direy Dhamaan Ciidanka Cirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa u mahad celiyay Taliyaha Ciidanka Cirka iyo kuwii ka horeeyay oo uu ku amaanay iney meel wanaagsan soo gaarsiiyeen Ciidanka cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Generaal Gorod,in ciidanka Cirka saameyn uu ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee dalka Soo maray,islamarkaana waqti iyo waayo fiican uu soo maray hadana uu joogo meel laga sii wadi karo.

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Maxamed Sheekh C/raxmaan Musrsal oo gaba gabadii munaasabadda Ka Hadley ayaa Muujiyay in Dowladda ay Xooga Saari Doonto tayeynta  Ciidanka Xoogga.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay iney u istaagayaan sidii dib u dhis xooggan ugu sameyn lahaayeen Ciidamada Xoogga gaar ahaan Ciidanka Cirka ee xoogga dalka.

Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la aas aasay bishii February 15,sanadkii 196Okii,waxaana hadda laga joogaa 58-sano.

Fikradaha Akhristayaasha (0)