Daawo:-Sawirrada Kulankii Maraykanka iyo Galmudug ee Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiir ku-Xigeenka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen Arimo dhowr ah oo muhiim u ah Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo ku Xigeenka Safiirka Maraykan ayaa waxaa ay ka wada hadleen ,sidii loo tayeen lahaa Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha Dekadda Hobyo.

Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa Dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taareega Amniga ee ay siiso Soomaaliya iyo sida ay Dowladda Dhexe ay uga Caawiso la dagaalanka Al-shabaab, waxaana soo jeediyey Galmudug ay gacanka ka taageerto hormarinta Ciidamada qalabka sida iyo Dowladda Maraykanku ay gacanka geysato dhismaha Dekada Hobyo.

Uga danbeyntii labada dhinac ayaa isku afgartay laga wada qeyb qaato Amniga iyo horumarinta Dekada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Fikradaha Akhristayaasha (0)