Kenya oo Sheegtay in Muwaadiniin u Dhashay Dalkeeda Lagu Dilay Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in labo muwaadin oo u dhashay dalkeeda oo ka tirsanaa  Al-shabaab lagu dilay gudaha Somaliya kuwaas oo lagu eedeeyay in ay wadeen falal basaasnimo ah oo ay ku hayeen dowladaha Kenya iyo Somalia.

Dowladda Kenya ayaa sheegatay in ragan oo latuhun sanyahay in ay basaasayeen sirdoonka dowladaha Kenya iyo Somaliya ay Al-shabaab ku dileen gudaha Somaliya.

Maxkamad ay leedahay xarakada Al-shabaab ayaa ragan dhawaan ku xuguntay dil kadib markii ay sheegeen in lagu helay dambiyo basaasnimo.

Sidoo kale Kenya ayaa xaqiijisay in Raggan la dilay magacyadooda lakala oran jiray Hassan Yussuf iyo Mohamed Hassan kuwaas oo kasoo jeeda deegaanka Marsabit.

Ciidamada ajaanibta ee u dagaalama Al-shabaab ayaa intooda badan waxa ay ka soo jeedaan dalka Kenya, ayadoona dowlada Kenya sheegtay in sanadihii lasoo dhaafay ay toogteen muwaadiniin ka soo jeeda dalkeeda kuwaas oo ay Al-shabaab ku eedeeyeen basaasnimo.

Ayadoona dhanka kale Kenya ay sheegtay in muwaadiniin farabadan oo kenyaati oo horay uga tirsanaa Al-shabaab soo gaareen gudaha dalkeeda.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)