Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Isaga Baxay Deegaano ka Tirsan Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM in ay isaga baxeyn deegaano ka tirsan Gobolkaas oo ay shalay la wareegeen.

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Waxa ay qabsadeen shalay deeganadda Mubaarak, Sabiid, Mareeray iyo weliba Awdheegle,inkastoo saacado kadib ay ciidamadu goobhaasi ay qabsadeen dib isaga ruqaansadeen.

Waxayna Ciidankaasi  iskugu jireen milatariga Soomaalida iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo la-taliyayaal ajaanib ah.

Ma aha markii ugu horraysay ee ay ciidanka dawladda Soomaaliya ay qabsadaan degaannadaas, iyagoo dhowr jeer oo hore tagay kadibna dib uga soo gurtay.

War lagu daabacay bogga ku hadla afka Alshabaab ayaa lagu baahiyay  in ciidamada Alshabaab ay dib ula wareegeen dhammaan degmooyin iyo deegaanno ay qabsadeen ciidamada huwanta ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)