War Deg Deg Ah:- Dagaal Ka Soconaya Duleedka Balcad

War goordhawedy naga soo gaaray duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in haatan uu deegaano hoostaga degmadaasi uu ka socdo dagaal culus, una dhaxeeyo Xoogaga katirsan Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamo katirsan kuwa Amisom ee gobalkaasi ka howlgala.

Dagaalkan ayaa waxa uu sigaar ah uga socda deegaanka deegaan lagu Magacabo Ilbaq oo u dhaxeeya Tuulada Gololeey iyo Ceelka Geeloow oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliy, halkaasi oo dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen ciidamo katirsan Amisom oo marayay aagaasi kuwa oo dagaalka ka hor la sheegay in lala eegtay miino kuwa dhulka lagu aaso.

Goobjoogayaal ku sugan deegaano dhaca duleedka degmada balcad ayaa Idaacada Simba u sheegay iney maqlayaan dagaal xoogan oo aysan kala garan Karin cida uu u dhaxeeyo iyo khasaaraha ka dhashay ,balse ay baqdin ay ka muujinayaan daryanka rasaasta xoogan ay maqlayan iney guryahooda ugu imaato.

Wali wax war ah kama soo bixin maamulka degmada balcad iyo Al-shabaab oo ku aadan dagaalka

Waxii kusoo kordha Waan Idinla Soo Wadaagi Doonaa….. WWW.SimbaNews.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)