ONLF oo Ka Hadashay Wada-hadal u Bilowday Iyaga iyo Dowladda Ethopia.

Jamhadda ONLF ayaa ka hadashay Wada-hadal u bilowday iyaga iyo Dowladda Ethopia.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Shiikh Xasan Hirmooge  ayaa sheegay in wada-hadalka haatan bilowday uu yahay mid cusub,islamarkaana ay rajeynayaan in guulo laga gaaro.

Waxa uu sheegay in kadib markii Dowladda Ethopia ay ku guuldareysatay in  la baabi’iyo hadafka Jamhadda ONLF ay qaatay go’aanka ah in wada-hadal lagu dhameeyo dhibaatooyinka jira ee labada dhinac u dhaxeeya.

Dhanka kale Afhayeenka ONLF ayaa beeniyay wararka ku aadan in wada-hadalka u socda labada dhinac in ay isku Khilaafeen madaxda Jamhadda.

Qodobada diiradda lagu saari doono wada-hadalka ayaa ah sidii loo dhameyn lahaa dagaalka labada dhinac,sidii loo deyn lahaa Maxaabis labada dhinac ay kala qabsadeen sanado ka hor, iyo arinka C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax.

Wada-hadalka waxaa dhex-dhexaadinaya xubno caan ka ah siyaasadda dalka Kenya oo ay kamid yihiin Senetarka Garissa Yuusuf Xaaji , Barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane iyo xildhibaanka Kamkunji Yuusuf Xasan.

Dhinaca dowladda Itoobiya waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Dowladd deegaanka Ethopia Cabdi Maxamuud Cumar, halka ONLF uu hogaaminayo Cabdiraxman Maadeey madaxda arrimaha Dibada ee ONLF.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)