Dowladda Kenya oo Sheegtay in Ay Heshay Meydadka Dagaalyahano Shabaab ah

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay heshay maydad ay ku sheegeen in ay yihiin Xarakadda Al-Shabaab.

Ilaha amaanka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan 3 katirsan maydadka Al-Shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay ku dileen weerar isbuucii la soo dhaafay ka dhacay xero ku taalo deegaanka Kutulo.

Taliyaha booliska Stephen Ngetich ayaa xaqiijiyay in maydadka ay ka heleen meel aanan sidaasi uga fogeen xuduuda ay wadaagaan Kenya iyo Somalia, asagoona intaasi sii raaciyay in wali ay ku raad joogaan sidii ay ku heli lahaayeen maydad intaan ka badan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa u muuqato in ay u soo wareejiyeen weeraradii ay ku qaadi jireen mandheera deegaanka wajeer oo bilihii ugu dambeeyay  ayay ka gaysanayeen weeraro aad u culus.

Sida ay sheegayaan waaxaha amaanka Kenya bil kayar ayay Al-shabaab in ka yar 5 weerar ka gaysteen deegaanka Wajeer taas oo ka dhigan in ay hoos u dhacday weeraradii ay ka gaysan jireen deegaanka Mandheera sidii ay dowladda Kenya u bilowday in ay dhisto darbiga u dhaxeeyo xuduuda Somaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan lagu dhaleeceeyaa in aysan wax muuqdo ka qaban weerarada is daba joogo ah ay Xarakada Al-shabaab ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)