Axmed Madoobe:-“Maamul Goboleedyadda Ma Hortaagno Maqaamka Magaaladda Muqdisho”,

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo xalay ka qeyb galay casho sharaf xarunta Dowladda Hoose loogu sameeyay Madaxda Maamul goboleedyadda ayaa ka hadlay Maqaamka Magaaladda muqdisho, iyo waxyaaha lagu hormarin karo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho lagu arkaayo goobo burbursan oo ay leedahay Dowladda Dhexe, islamarkaana  ay ahaayeen Xarumo ay ku kala shaqeyn jireen hay’adaha Dowladda ka hor burburkii dowladii Dhexe.

Waxa uu sheegay in hadii madaxda Dowladda Dhexe ay bilaabaan in la dhiso  goobaha burbursan, in shacabka dhankooda ay iyagan bilaabi doonaan.

Dhanka kale Axmed  Madoobe ayaa soo hadal qaaday arrinta Maqaamka Caasimadda iyo wararka sheegaya in ay hor taagan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in arinta Maqaamka Magaladda muqdisho aysan hortaagneen Madaxda Dowladda goboleedyadda, islamarkaana ay tahay mid la xiriirta Dastuurka dalka u yaalo, balse laga badbadiyay ayna haboontay in la joojiyo wararka ah  in Maamul Goboleedyadda ay hor taagan yihiin arinta Maqaamka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)