Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xerada 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada xooga dalka ee ku sugan aagaasi.

Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo Bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah xoogaga Xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lafilayaa in ay ka qeybgalaan shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug,kaasi oo ka furmaya magaalada Dhuusamareeb

Fikradaha Akhristayaasha (0)