Ciidamadda Ethopia iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamaya Gobolka baay

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamadda Ethopia in uu haatan ka socdo  deegaanno dhaca duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaalkaan ayaa ka socda deegaannada Goofguduud iyo Daynuunaay halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Baydhaba.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in dhinacyada ay isu adeegsanayaan hubka nooocyadiisa kala gadisan ayna ka qeybqaadanayaan gaadiidka dagaalka ee  Tiknikada daryanka madaafiicda iyo rasaasta lays dhaafsanayo ayaa laga maqlayaa magaalada Baydhabo

Saraakiisha amniga dowlada iyo kuwa Maamulka Baydhabo wili ma aysan ka hadlin dagalkan saaka wabarigii ay kula jarmaaden dagaalyahanada Alshabaab saldhigyadaasi ciidan ay ciidamada dowlada iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay ku lahaayen deegaanada Deynuunaay iyo Goog gaduud oo kawada tirsan Gobolka Baay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)