Tuesday, January 16th, 2018

Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan oo Gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb+Sawirro

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug waxaa maanta gaaray wafdi ka socday Dowladda Soomaliya, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo).

Wafdiga gaaray Magaaladda Dhuusa-mareeb waxaa kamid ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xildhibaan Jawaahir, Xildhibaan Abdihakim Malin, Xildhibaan Fiqi, Xildhibaan C/casiis iyo Jeneraalo Ciidan .

Xubnahaan  ka socda Dowladda Federaalka Soomaliya waxaa Magaaladda kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda iyo Maamulka Galmudug.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyada oo dadka iyo gaadiidkaba la baarayo,waxaana Magaalada ay isu diyaarineysaa soo dhaweynta Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika Amisom kuwaas oo la wareegaya ammaanka Magaalada inta uu Madaxweynaha Soomaaliya joogo Magaaladaas.

Ciidamada Amisom ee gaaray Dhuusamareeb waxaa ay ka baxeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana ay isugu jiraan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ku jira howlgalka Amisom Soomaaliya.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..