Friday, January 19th, 2018

War DEG DEG:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay gudaha Magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday Gaari Ciidan oo marayay meel ku dhow Haanta Dheer Degmadda Deyniile ee magaaladda Muqdisho.

Qof kamid  ah dadka deegaanka oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qaraxa uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay islamarkaana ay goobta soo gaareen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma shaacin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..