Tuesday, January 16th, 2018

Somali-land oo Farmaajo Ku Eedeysay Inuusan Diyaar u Aheyn Ambaqaadka Wada-hadaladii +Dhageyso

Xukuumadda Soomaaliland ayaa dowlada Soomaliya ku eedeysay inaysan dhab ka aheyn dar dar galinta wada hadalada ka dhaxeeya Soomaliland iyo dowlada kaas markii ugu dambeysa ka qabsoomay dalka Turkiga

Wasiirka armaha gudaha Maamulka Soomaaliland ayaa madaxweynaha Soomaliya ku eedeeyay inuusan diyaar u aheyn ambaqaadka  wadahadaladii horay usocday xilli Madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu soo celin doono Wada hadalkii Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaas oo Mudooyinkii dambe hakad ku jiray .

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo Midnimadii Soomaaliya oo dib u soo noqota islamarkaana Soomaaliya aysan kala maarmin.

Wadahadaladii Dowlada Dhexe iyo Somaliland ayaa Mudo hakad ku jiray,waxaana Somaliland ay sheegtay in ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  C/llaahi farmaayo.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..