Tuesday, January 16th, 2018

Nin Reer Miyi Ah Oo Nolasha Lagu Gubay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay xiisad dagaal ay ka taagneyd deegaano hoos taga Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taa oo u dhaxeysay Maleeshiyaad dadka deegaanka oo halkaa wada daga.

Xiisadaan dagaal ayaa la sheegay iney salka ku heyso dhul beereed ku yaala deegaano hoos taga degmada jowhar,arintaana ay dhalisay in laba maleeshiyo ay halkaasi uu dagaal ku dhax maro kadib markii ay isku fahmi wayeen dhulbeereedka muranka dhaliyay oo markii danbe ay ku dagaalameen.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan xiisadaan dagaal ayaa lagu soo waramayaa in maanta si aad ah looga dareemayo deegaanada Deensan iyo maan dheere ee duleedka  magaalada jowhar, halkasi oo la sheegay in ruux ka mid ahaa laba maleeshiyo ee dirirtu dhaxmartay uu nolasha lagu gubo kadib inta aysan gubin ay dhaawac u geysteen markii danbana halkaasi ay isaga oo noo nolasha ay ku gubeen.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Idaacada Simba ugu warbixiyay xiisada dagaal ee maanta laga dareemayo duleedka Magaalada Jowhar, halkaasi oo mid kamid ah maleeshiyaadkii dagaalamay ay nolasha ku gubeen , iyo jawiga kacsanaanta ah ee laga dareemayo deegaanada Gobalka  Sh/Dhexe.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan xiisadan dagaal ee u dhaxeysa labada maleeshiyo ayaa lagu soo waramayaa in dadka deegaanka ay sameynayaan barakac xoogan oo ay ka cabsi qabaan in mar kale halkaasi uu ka dhaco dagaal kale maadaama laba maleeshiyo ay sameynayaan hub aruursi aynan jirin cid wali soo kala dhax gashay labada maleeshiyo  ee ku dagaalamay deegaanada duleedka magaalada jowhar.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..