Tuesday, January 16th, 2018

Madaxweyne Farmaajo oo Kulamo Wadatashi ah La Qaadanaya Bulshada Gobolka Mudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalkiisa nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa sabtidii shalay soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Soodhaweynta wafdiga Madaxweynaha ee Galkacyo waxaa ka qeyb qaatay Kumanaan shacab oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxayay calanka Jamhuuriyadda, kuna dhawaaqayay  ereyo ay ku muujinayaan dareenka faraxadeed ee ay u hayaan booqashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay mudada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Mudug waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa sheegay inuusan Gaalkacyo ka tagi doonin inta ay labo dhinac u kala qeybsantahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo  oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo ay wehlinayaan mas`uuliyiinta maamulka Galmudug,iyo xubno ka tirsan Dowlada soomaliya ayaa maanta oo Axad ah  waxaa la filayaa in ay furaan kulamo dib u heshiisiin ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Mudug.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..