Friday, January 19th, 2018

Faah faahin:- Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Inta la xaqiijiyay 4-askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax Miino oo dhulka lagu aasay uu ka dhacay Haanta-dheer Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa Miino ayaa lagu aasay wadada dhinaceeda,waxaana la qarxiyay xili  gaari dagaal oo ay la socdeen Ciidamo katirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya uu marayay Haanta-dheer Degmadda Deyniile.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidamada ay dhaawacyo soo gaareen,islamarkaana haweeney goob ganacsi ku laheyd Haanta dheere ay sidoo kale ku dhaawacantay  qaraxaasi Miino ee maanta lala eegtay Ciidamo katirsan Xoogga dalka Soomaliyeed.

Sarakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ayaa Radio Simba u sheegay inuu jiro qaraxaasi, Ciidamadii ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaaala Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay Haanta-dheer Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Al Shabaab ayaa wadooyinka Muqdisho qaarkood waxa ay ku aasaan qaraxyada miinada noocaan oo kale ah oo ay la eegtaan gaadiidka dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..