Al-shabaab Oo La Wareegtay Saldhiga Ciidamada Dowladda Ay Kula Haayeen Duleedka Balcad

Wararka Idaacada Simba ay ka helayso Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Ceelka-Geelow oo u dhexeeya Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad, halkaas oo  ay iskacaabin Xoogam kala Kulmeen Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa.

Dagaalka dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac,waana markii labaad oo deegaankaas ay weeraraan dagaalmayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Xooga oo ay la Xariirtay Idaacada Simba ayaa Xaqiijiyey Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Ceelka-Geelow in uu dhaliyey Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac, waxaase ay ka gaabsadeen inay faah-faahin ka bixiyaan tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Wararka ayaa intaas  waxaa ay ku sii darayaa Dagaalmayaasha Al-shabaab ay la Wareegeen Deegaanka Ceelka-Geelow ka dib markii Ciidamada Dowladda looga itaal roonaaday Dagaalka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)