Tuesday, January 16th, 2018

Sarkaal Ka Tirsan Booliska Soomaliya oo Lagu Weeraray Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa saakay Xaafadda Dabakaayo madow ee Degmadda Dharkinley waxa ay ku weerareen Sarkaal ka Tirsan booliska Dowladda Soomaliya.

C/laahi aadan Dhuubow sarkaal magaciisa lagu sheegay oo ka tirsan Booliska Soomaliya ayaa la weeraray Xili uu ku sugnaan Xaafadda Dabakaayo gaar ahaan masaajidka Salaama,waxaana ragga hubeysan ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in sarkaalka si dhaawac ahaa goobta loogu qaaday,islamarkaana la geeyay goobaha caafimaadka.

Kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Sarkaalka ka tirsan Booliska Soomaliya ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dharkinley oo halkaas ka sameeyay howlgal.

Dhanka kale ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Sarkaal ka Tirsan Booliska Dowladda Soomaliya.

 

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..