Tuesday, January 16th, 2018

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo Ku Wajahan Magaaladda Gaalkacyo

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi  Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ku wajahan Waqooyiga magaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa hadda ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntlad,waxaana xalay loo sameeyay xafladd Sagootin aheyd kadib markii muddo todobaad ah safar dhanka dhulka ah uu ku tagay magaalooyinka badhan,Qardho,Garoowe.

Qaban-qaabadda lagu soo dhaweynayo wafiga madaxweynaha Soomaliya Farmaajo  ayaa si weyn loogu dareemayaa dhanka Magaaladda Gaalkacyo ee Dowladd Goboleedka Puntland.

Amaanka magaaladda Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Magaaladda Lagu arkayaa Ciidamadda kala duwan ee maamulka Puntland.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa usoo gudbi doona Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee Galmudug,wuxuuna isniinta uu tagi doonaa Magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..