Friday, January 19th, 2018

Maamulka Ahlusuna oo Xabsi Guri Kasii Daayay Gudomiyaha Guddiga Doorashoyinka+Sawirro

Ciidamadda Ahlusuna Waljameeca ayaa xabsi guri kasii daayay Xaliimo Ismaaciil “xaliimo yarey” guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya oo shalay la xirey.

Sidoo kale waxaa lasii daayay  darawalkeedii iyo dad kale oo la socday oo ay ciidamada Ahlusuna Waljameeca ku xireyn Magaalada Dhuusa-mareeb.

Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan,madaxa wasiiradda maamulka Galmudug ayaa goordhaweyd la kulmay xaliimo ismaaciil “xaliimo yarey” guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka,wuxuuna ka raali-galiyay sida ay ula dhaqmeen ciidamada Ahlusuna Waljameeca.

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug ayaa haatan u diyaar garoobaysa soo dhaweynta madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo),waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaaladaas.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..