Friday, January 19th, 2018

Farmaajo:-“10 cisho Gudahood Maxaabiis India Laga Soo Daayay ayaa La Keenayaa Muqdisho”,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay maalmaha soo socda in Magaalada Muqdisho la keeni doono maxaabiis laga soo daayay xabsi ku yaal dalka India.

Waxa uu sheegay 10 cisho gudahood in maxaabiistaan lagu keeni doono Magaalada Muqdisho, islamarkaana arintaasi dowladda Somaaliya ay ka shaqeynayso.

“10 beri gudaheed waxaa iman doona dad gaaraya 100 oo an soo deynay oo qaar kamid ah kasoo saarnay xabsiyadii oo Hoteello deggan oo sugaya qeybkale oo soo socota si aan dalka ugu soo qaadno” ayuu yiri madaxweynaha.

Dowladda Soomaliya ayaa ku guuleysatay in xabsiyada laga soo daayo maxaabiis badan oo Soomaliyeed, iyadoo horey dad badan looga soo daayay Itoobiya iyo Jaziiradda Seychelles.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..