Tuesday, January 16th, 2018

Faah-faahin:-Qarax ka Dhacay Degmada Qansaxdheere 

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay degmada Qansaxdheere  ee Gobolka Baay.

Dhawaqa qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Qansaxdheere iyo deegaanada hoostaga.

Qaraxaan ayaa waxaa lagu aasay goob ay ku sugnaayeen Ciidamadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya,waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay goobta ku sugnaa Ciidamo badan oo ka tirsan koonfur Galbeed Soomaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Degmadda Qansaxdheere  ee Gobolka Baay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta degmada,iyado saacaddo kadib dib loosoo celiyay.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax ka dhacay Degmadda Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..