Friday, January 19th, 2018

Dhageyso:- Kenya Duqeymo Ku Xasuuqday Xoolo Dad Reer Miyi Ah Ay La Haayeen

 

Warar dheraad ah Ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradaha Ciidamada Kenya ay saakay Aroortii ka fuliyeen qeybo kamid ah degmooyinka gobalka gedo ee Bartamaha soomaaliya.

Duqeynta ayaa waxaa ay ciidamada Kenya ka fuliyeen tuulo u dhaxeeyso dagmada Ceel-waaq iyo buusaar ee gobalka gedo ,Waxaana Lasheegay in diyaaradaha ciidamada Kenya duqeyntaasi ay ku Beegsadeen goobo ay degan yihiin Dad Reer mii ah oo xoola Dhaqata ah islamarkaasina Duqeynta Ay dishay xoola badan oo gaaraya ilaa 100 Neef oo ari ayna lahayeen dad reer mii ah oo halka ku dhaqnaa

Cali Yacquub Nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee Ku sugan gobalka gedo oo lahadlay Idaacada Simba ee Magaalada Moqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Kenya marwaliba ay bartil-maameedsadaan goobaha dadka shacabka ee aan waxba galabsan kaga sugan yihiin gobalka.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in ay ladagaalami doonaan ciidamada Dowlada Kenya ee xasuuqa ku wada shacabka ku nool miiga oo marwaliba xoolahooda ay ku dilaa Duqeyn,iyadoo dadka ay haatan kasoo baxayaan Abaar sidoo Hadalka u dhigay Cali yacquub nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowlada.

Hadalka Sarkaalkan ee ka tirsan ciidamada dowlada ee gobalka gedo ayaa waxaa uu ku soo Beegmayaa,iyadoo duqeymaha diyaaradaha dowlada Kenya ay ka fulineeyso gedo taa ay sare u qaaday muddooyinkii ugu danbeesay,hasa ahaate inta badan duqeymaha  diyaaradaha Kenya ay ka fuliyaan gobalka gedo ayaa waxaa ay ku beegsadaan dad reer Mii ah Ee dagan goabalka gedo ,iyadoona sheega in ay Bartimaameedsadeen saldhiyo iyo goobo xarakada Al-shabaab ay ku sugnaayeen.


Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..