Friday, January 19th, 2018

War Deg Deg Ah:- Al-shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Diif

Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ayaa dagaal ku qaaday deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose, kadib dagaal xoogan oo halkaasi ku dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab.

Ilo dadka deegaanka oo lasoo xiiray idaacada samba ayaa sheegay in Xoogag katirsan Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen saldhigyo ciidamada maamulka Jubaland ay kaga sugnayeen deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose, halkaasina uu ka dhacay dagaal culus oo markii danbe sababay ciidamada Jubaland in ay isga baxaan deegaanka Boqolaal katirsan XoogagaAl- shabaabna ay u suura gashay iney guda usoo galaan deegaanka Diif, sida dadka deegaanka Simba Radio ay u sheegeen.

Wararka laga helayo deegaanka Diif waxey sheegayaan iney jirto khasaara culus oo soo kala gaaray dhinacyadii maanta ku dagaalamay deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose.

War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab  ayaa lagu xaqiijiyay in gacan ku heynta deegaanka uu dib ugusoo laabtay AL-shabaabka ka howlgala gobalada Jubbooyinka ee koofurta Soomaaliya

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..