Friday, January 19th, 2018

Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Lagu Jeex Jeexay Dibad baxyo Ka Dhacay Gaalkacyo

Wararka Simba ay ka heleyso Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi ay sameynayaan dibad baxyo rabshada wata oo ay kaga soo horjeedaan imaanshaha Madaxwne Farmaajo ee uu dhawaan ku tagi doono Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.

Dadkaan dhibad baxyada dhigaya ayaa la sheegay iney jeex jeexiyaan oo ay bur burin ku sameynayaan boorar loogu tala galay in lagu soo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in uu gaaro halkaasi, kadib safara kala duwan oo  uu ku marayay qaar kamid ah degmooyinka gobalka bari.

Dibad baxyaasha ayaa la sheegay in markii danbe ay kala eryeen ciidamo katirsan kuwa xooga dalka kuwaa oo kor u ridayay rasaas ay ku kala eryayaan dadka dhigayay dibadbaxyada ay ku diidan yihiin imaanshaha Madaxweyne Farmaajo ee deegaanadooda oo la sheegay inuu dhawaan imaan doono.

Waxii kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaa Nagala Soco www.SimbaNews.com

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..