Friday, January 19th, 2018

Qarax Dhimashi Iyo Dhaawac Ay ku Noqdeen Ciidamo katirsan Dowladda oo Ka Dhacay Sh/Hoose

Wararka aynu ka heleyno gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Somalia ayaa  sheegaya in qeybo ka mid ah gobalkaasi in uu ka dhacay qarax khasaare u geystay ciidamo katirsan kuwa dowlada somaliya.

Ilo dadka deegaamla oo Simba la hadlay ayaa faah faahino kala duwan ka bixiyay qasaaraha rasmiga uu geystay iyo cida lala eegtay intaba, dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in qaraxaasi uu ahaa kuwa miinooyinka dhulka lagu aaso, dhimasho iyo dhaawacna ay ku noqden askar katirsan dowlada Somaaliya oo ku sugnaa agagaarka deegaanka ceelwareegow ee duleedka shalanbood ee gobalka shabelaha hoose.

Maxamad cismaan yariisow oo kamid ah saraakiisha ciidamada koofur galbeed ee gobalka shabeelaha hoose oo la hadlay idaacada Simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in qaraxaasi uu jiro, ayna ku dhinteen 2 askari halka ruux halkaa ka ag dhawaana uu ku geeriyooday qaraxa mino ee dhulka lagu asay.

Warar lagu baahiyay Warbaahinada taageera  Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ka danbeeyeen xubno katirsan Al-shabaab, laguna dilay ilaa afar askari oo ciidamada dowladda katirsanaa, halka lagu dhaawacay  askar kale oo kamid ahaa ciidamo ku sugnaa duleedka deegaanka shalanbood.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxa qasaaraha dhaliyaya ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaaliya halkaasi ay ka wadaan dhaq dhaqaayo ciidan oo ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay qaraxa miino ee dhaawaca iyo dhimashada ay ku noqdeen ciidamada dowladda somaaliya.

Bilihii ugu danbeyay gobalka shabeelaha hoose waxaa kusoo badanayay qaraxyada iyo weerarada lagu qaado ciidamada Amisom & ciidamada dowladda ee ka howlgala gobalka shabeelaha hoose soomaaliya.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..