Friday, January 19th, 2018

Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Magaalo Madaxda Gobalka Bari

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa iney  gaaraan magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii ugu dambeeyay wuxuu booqasho ku jooday Magaalada Qardho ee gobolka bari, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta maamulka Puntland, waxgarad iyo shacab farabadan oo diyaar u ahaa soo dhaweynta madaxweynaha.

idaacada simba oo xiriiro la sameysay wakiil wareedkeeda ku sugan Gobalka bari ayaa inoo sheegay in soo dhaweynta Madaxweynaha si aad ah looga dareemayo Magaalada Boosaaso, boqolal shacab ah oo wata Calamada Puntland iyo kan soomaliya, in lagu arkayo wadooyinka Magaalaada ku waa oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdigiisa.

Waxaa sido kale si aad ah loo adkeeyay Ammaanka magaalada Boosaaso iyadoo shacabka magaaladaasi isku diyaarinayaan sidii ay kusoo dhoweyn lahayeen madaxweynaha iyo wafdiga uu hor kacayo.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..