Friday, January 19th, 2018

Madaxweynaha Galmudug Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Ku Wajahan Caabudwaaq

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamul  goboleedka galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa iney maanta gaaraan dagmada caabudwaaq ee Gobolka galguduud, ujeedka safarka wafdiga  ee caabudwaaq ayaa lagu sheegay inuu yahay in ay dagmadaasi kusoo dhaweeyaan madaxweynaha  Soomaaliya maxamed c/llaahi farmaajo oo safar ku tagaya maalmaha soo aadan.

Wafdigaan ayaa waxa ay isugu jiraan wasiiro xildhibaano waxaana sidoo kale kujira madaxweyne ku xigeenka Maamulka galmudug maxamed xaashi cabdi carabeey iyo sido kale odayaasha dhaqanka.

Dhanka kale Maamulka dagmada Caabudwaaq ayaa waxa ay Simba u xaqiijiyeen socdaalka wafdiga iyagoona sheegay in ay maanta u diyaargaroobayaan soo dhaweynta isla markaana si aad ah loo adkeeyay amniga deegaanadaasi.

Madaxa arimaha bulshada ee dagmada caabudwaaq muuse inji ayaa idaacada Simba u sheegay in Caabudwaaqay maalmaha soo socda u diyaargaroobeyso soo dhaweynta Madaxweyne farmaajo isla markaana wax badan laga badalay amniga iyo howlihii ka socday dagmada.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..