Friday, January 19th, 2018

Faah Faahin:- Hoobiyaal Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Waxaa goordhaweyd tiro hoobiyaal ah lagu garaacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay in ku dhawaad Afar hoobiye lagu garaacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan gudaha iyo banaanka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qasaaraha ka dhashay duqeymahaasi maanta lagu soo tuuray Madaxtooyada Soomaaliya, lana sheegay iney dhaliyeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Dadka ku dhaqan agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay la xiriirtay idaacada Simba ayaa sheegay in ay aad uga argagaxeen madaafiicdan lagu soo weeraray Madaxtooyada Soomaaliya.

dhanka kale Madaafiicda ayaa la sheegay iney ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Villa Soomaaliya, wararka ayaana intaasi ku daraya in duqeyntaasi Hoobiyaasha ahaa ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo aan sidaa kaga fogeyn madaxtooyada Soomaaliya.

waararka ayaa sido kale intaa ku daraya  in ay jirto madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere, iyo sidoo kale Guriga Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda.

ilaa iminkana majirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan hoobiyaasha ah

kala soco waxii kusoo kordha duqeymahaasi Nagala Soco www.SimbaNews.com

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..