Friday, January 19th, 2018

Dowladda India oo Xabsiyada Ka Sii Daysay Maxaabiis Soomaali Ah

Sida ay daabacday Jariirad lagu magacaabo The Indian Express, maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraysa 15 qof oo Dhalinyaro loona heystay falal burcad Bacdeednimo ah in xabsiyadii ay ku jireen laga sii dayay.

Siidaynta maxaabiistaasi ayaa timid markii ay dhameysteen wati xukun oo ay horey ugu ridday maxakamad kutaala Dalkaasi,xukunkaasi oo gaarayay ilaa 7 sano oo xabsi ah maadaama ay ku eedeysanaayeen Burcadbadeednimo iyo waxyaabo kale oo lagu soo eedeeyay maxaabiistaasi.

Jaraa’ida The Indian Express ayaa warbixin uu ka qoray xaaladda dadkaasi maxaabiista Soomaaliyeed, ku xusay in weli ay baaqi ku yiyiin gudaha Dalkaasi India,ayna ku nool yihiin meel dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada Mumbai, inkastoo xaaladooda dhabta ah jariidada The Indian Express  aysan ka hadlin

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale,kuwaasi oo gaaraya 27 qof,waxaana qorshuhu uu yahay in mar qura ay dalkaasi ka soo baxaan dhamaantooda,iyadoo la sugayo 27ka kale oo la sheegay waqtigooda uu ka harsan yahay oo qura maalmo kooban,taasi oo keentay in la isla sugo.

Wadanka India ayaa kamid ah wadamada ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto oo qura fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.

Waxaa dhalinyaradaasi xabisyada dalkaasi India lagu xiriray sanadkii 2011kii, kuwaasi oo ilaa waqtigaas ahaa maxaabiis,xaaldooda ayaa u muuqataa mid aad u liidata,balse waxay danaynayaan in mar qura ay arkaan iyagoo jooga dhulkooda, maadama aysan jirin dowlad garab taagan Maxaabiistaasi.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..