Tuesday, January 16th, 2018

Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Heliwaa oo Isku Dil Ka Badbaaday

Qarax Miino ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay  Magaaladad Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Shaneemo cabdi Waayeel  Degmadda heliwaa ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah waxaa qaraxaan lala beegsaday Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa Abshir Kaaraan oo xiligaas halkaas marayay waxaana la sheegay in uu ka badbaaday.

Qaraxa ayaa dhacay markii uu dhaafay Shaneemadda gaariga  uu la socday Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Heliwaa waxaana la sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan,sidoo kale waxaan jirin wax khasaaro ah oo dadka deegaanka soo gaaray.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Degmada Heliwaa iyagoo halkaas kawada baaritaan,mana jirto cid sheegatay qaraxa.

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..