Tuesday, January 16th, 2018

Dowladda Soomaliya oo Sheegtay in La Dilay Madaxii Tababarada Al-shabaab 

Ciidamada kumaandooska soomaaliya ayaa dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab kadib howlgal gaar ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka shabellaha hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ciidamada kumaandooska soomaaliya ay ku daba jireen in mudo ah

Sarkaasha  lagu dilay deegaanka buulo mareer waxaa ka mid ahnabadiidaa Zubeyr Almuhaajir,oo ahaa sarkaalkii Tababarada Al-shabaab  iyo  Macalin Cumar .

Zubeyr Almuhaajir, waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa saraakiisha Ajaanibta Al-shabaab ka bar bar dagaalanta.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhismasha Labada sarkaal.

Sido kale Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen  Zubeyr Almuhaajir uu ahaa Madaxii Tababarada Al-shabaab.

 

 

 

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..