Puntland oo Xanibaad Kusoo Rogtay Gaadiidkii Ka imaan Jirey Somaliland+Dhageyso

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo warbaahinta kula hadlay magaaladda garoowe ayaa sheegay in Puntland ay hakisay nooc walba gadiidkii ka imaan jiray degaanada Maamulka Somaliland, islamarkaana aysan jiri doonin gaadiid hadda kadib ka gudbidoono Puntland una gudbidoona Somaliland.

Waxa uu sheegay tilaabadaan inay Puntland  kaga jawaabayso daandaansiga maamulka Somali-land iyo dagaalkii shalay ka dhacay degmada Tukaraq ee gobolka Sool, oo Ciidamadda Somali-land dagaal kula wareegeen.

Shalay Ciidamo ka kala Tirsan Maamuladda Somali-land iyo Puntland ayaa ku dagaalamay deegaankada Tukaraq ee Gobolka Sool, labada dhinac ayaa is eedeeyay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)