Kheyre:-“Xukuumadda Soomaaliya Waxay Xoojin Doontaa Howlaha Sirdoonka Soomaliya”,

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la hormarin doono Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed.

Khayre oo xalay ka qeyb galay Munaasabadd loogu dabaaldagayay 48-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa sheegay Xukuumadda Soomaliya ay ka shaqeyn doonto hormarka sirdoonka Soomaliya.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay xoojinaysaa 2018 howlaha muhiimka ah oo ay haysay Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,oo miisaaniyadda loogu daray qarash lagu xoojinayo Sirdoonka”,ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kahyre.

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa haatan ah hogaan la’aan iyadoo C/laahi Maxamed Cali(Sambaloolshe), oo ahaa mas’uulkii ugu dambeeyay xilka laga qaaday kadib go’aan kasoo baxay Golaha wasiiradda  Xukuumdda Federaalka Soomaliya Oct 29, 2017-kii.

Fikradaha Akhristayaasha (0)