Farmaajo:-“Dhibka Al-shabaab Kuma Koobna Koofurta Soomaaliya”,+Dhageyso

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa walwal ka muujiyey in Al-shabaab ay bilaabaan qulqul ay ku tagayaan deegaanada Puntland iyo Gobalada Waqooyi oo hada lagu Magacaabo Soomaali-land kadib markii ay xoogeysteen duqeymaha Maraykanku ay ka fulinayaan Koofurta dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dhibka Al-shabaab uusan ku koobneyn koofurta Soomaaliya laakiin ay halis ku yihiin qeybaha kale ee Dalka.

“Mida muhiimka ah waa in aan kawada Shaqeynaa Amniga, Dhibka Koofurta yaala Puntland iyo Waqooyi waa yaalaa,dhibta kuwa nagu haya markii ay culus dareemaan waxaa ay aadayaan Meel kasta oo ay ku dhuuman karaan sida Buuraha Puntland iyo Gobalada Waqooyi” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Sheegay Dowladda iyo Maamulka Puntland ay ka wada Shaqeynayaan la dagaalanka Al-shabaab-ka Ku sugan Buuraha Galgala ee Bariga Gobalka Bari kuwaasi oo Weeraro iyo dilal qorshaysan ka geysta Deegaanada Maamulkaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)