Madaxweynaha Soomaliya oo Xariga Ka Jaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah maanta oo Isniin ah u Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Munaasabadda oo hadda si toos ah ugu socota Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madax ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ,puntland, Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay gaaray magaalada garoowe halkaas oo ay uga bilaabatay Booqasho maalmo qaadan doonto oo uu ku marayo deegaano ka tirsan Dowladda Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Fikradaha Akhristayaasha (0)