XOG: Yaa Ku Xiga Xil Ka Qaadista Saddexdi Wasiir?

maanta ayaa laga yaabaa in kulanka golaha wasiirada ee xukuumadda Kheyre xilka looga qaado Taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jisiyadaha Mudane Koofi, iyadoo shaqsi kale loo magacaabi doono.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in sidoo kale maanta la magacaabi doono Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabad sugidda qaranka, kadib kulanka wasiirada.

Shaqsiga Koofi la doonayo in lagu bedalo weli ma aanu helin magaciisa iyo sidoo kale beesha uu kasoo jeedo.

La soco wixii xogtaan kusoo kordha

Fikradaha Akhristayaasha (0)