RW Kheyre oo u muuqdo in uu qancinayo beesha Habar Gedir una Magacaabay Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Ra’isul Wasaaraha Xuukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqdo in uu dadaal ku bixinaayo qancinta beesha Habar oo inta badan aad u dhaliishan Xukuumadda uu hogaamiyo.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo Wax garadka beesha Habar Gedir ayaa dadaal ugu jiray sida ay u heli lahaayeen Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ay u arkayeen in ay muhiimad gaar ah leedahay isla markaana uga muhiimsantahay Wasaaradda Arimaha Dibada.

Mudane Kheyre oo sida muuqato ku dadaalayo qancinta Beesha HG ayaa saakay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha u magacaabay Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kasoo jeedo beeshe HG gaar ahaan Ceyr.

Lama ogo isbedlka uu sameeyey Mudane Kheyre Waxa ay ka bedeli karto Mucaaradka xoogan ee ku taagan Xukuumada uu hogaamiya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Fikradaha Akhristayaasha (0)