faah Faahin:- Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso

Ciidamo ka tirsan Kuwa Maamulka Puntland ayaa Qaraxyo lagu eegtay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari sida ay Radio Simba u Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntland.

Ciimadamadaan oo ku Wajahnaa Magaalada Boosaaso ayaa lagu Weeraray Qaraxyo Dhulka lagu aasay kuwaasi oo Sababay Qasaaro dhimasho iyo dhaawac Sida ay Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiisha Puntland, inkastoo ay ka gaabsadeen qasaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Ilo dadka deegaanka oo ka ag dhawaa halka qaraxyadaasi ay ka dhaceen ayaa inoo sheegay in tiro Askar ah ay ku Dhaawacmeen labo qarax oo ciidamada lagula eegtay inta Dhexaysa Boosaaso iyo buuraleyda.

Dhanka kale ilaa iminka majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaasi lala eegtay Ciidamada, xiriiro lala sameysay saraakiisha ciidamada ayaa ka jawaabin Taleefanadii gacanta aynu kala xiriirnay.

Waxii kusoo kordha waxaan idin soo gudbin doonaa In Sha,alaah

Fikradaha Akhristayaasha (0)