War Deg Deg Ah : Gaari Qarax Siday oo Lagu Duqeeyay Gobolka Shabellaha Hoose.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn shalay duhurnimadii ka dhacday deegaan ku dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Diyaarad kuwa wax duqeysa ayaa deegaan ku dhow Afgooye, waxay ku duqeysay gaari nooca Homey ah oo la sheegay in dhanka Magaaladda Muqdisho kusoo jeeday.

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose gaariga la duqeeyay ayaa la sheegay in Al-shaabab ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa islamarkaana uu kusoo wajahnaa muqdisho.

Dhanka kale bishii aynu soo dhaafnay waxaa laba jeer ay diyaarado dagaal ku duqeeyeen Gobolka Shabeelaha hoose ee koonfurta dalka Soomaliya gawaari kuwa dadweynaha.

Fikradaha Akhristayaasha (0)