Friday, January 19th, 2018

TALLO KU SAABSAN XIRIIRKA FOG: Shan Siyaabood Oo Aad Ku Bad Baadsankarto Xiriirka Jaceyl Ee Kaa Fog.

Xiriirka jaceyl waxaa uu leeyahay nuucyo kala duwan , waxaana laga yaabaa inuu nuucyo badan sameeysto , dhanka kale waxaa muhiim ah in si walba uu xiriirka ahaado in marka hore ay jirto kalsooni.

Dhibaatada jirta ayaa ah in lamaaniyaasha ay aminsan yihiin in xiriirka fog uusan ahayn mid lagu kala soonaankaro ,sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaysan isku kalsoonaan lamaaniyaasha.

Balse sidaa ma ahan waxaana muhiim ah in mar walba la muujiyo kalsooni iyo sidoo kale inay isku qanacsanaadaan lamaaniyaasha.

Haddaba Maandeeq.net ayaa idin heysaa Shan Siyaabood Oo Lagu Badbaadinkaro Xiriirka Fog.

1-Waxaa Waajib In Labadiina Aad Isbooqataan Bishii Hal-Mar.

Xiriirka jaceyl eek u saleeysan fogaanshaha waxaa loo baahan yahay inuu ahaado mid kalsooni ku dhisan , sidoo kale waxaa laga doonayaa labada ruux ee isjecel inay isbooqdaan bishii hal-jeer.

Iskudaya inaad waqti wada qaadataan sidoo kale xiriirka jaceyl ee idin ka dhexeeya uu noqdo mid sababikara xilli walba inaad iska war heysaan.

Waxaa laga yaabaa inaad kala joogtaan labada wadan oo kala fog, waa dhibaato midaas , sidaas darteeda waxaad keliya sameyneysaan markaas inaad xiriirka badisaan.

2-Xiriir Toos Oo Ka Duwan Kuwa Kale(Cudurdaarkane Ha Yaraado).

Arintaan waxaa macquul ah inay saameyso xiriirkiina , iyadoo markii hore uu ahaa mid fogaansho ku saleysnaa , sidaas darteeda waxaa lagaaga baahan yahay inaad iska ilaaliso cudurdaarka badan , waana waajib in mar walba aad xoojisaan xiriirka , wicitaan , isxaal wareeysi iyo arimaha kale ee idinka dhexeeyaan.

3-Si Wadajir Wax U Sameeysta.

Ma tahay qof farxad dareemaya ama qof faraxsan , waa muhiim inaad ku raacdo ama aad ku taageerto , waana inaad farxad iyo murugo la qeybsataa, waxaana muhiim ah in labada ruux ay wax walba wada qeybsadaan.

4-Marna Hadareensiin Inuu Cidlo Yahay Lamaanahaaga.

Waxaa waajib ah in lamaanahaaga aad mar walba wehel u ahaato , u sheekey, la wadaag faxada , sidoo kale la qeybsado wax walba oo ku saabsan arimaha idin ka dhexeeyaan.

Cidlada waxay mararka qaar ka qeyb qaardataa dhibaatada uu leeyahay xiriirka aan qorshihiisa la fahamsaneyn.

5-Isku Day Inaad Mar Walba Isticmaasho Sirta Nolosha (Dhoolacadeyn).

Sirta nolosha waa dhoola cadeyn waa inaad lamaantaada u dhoola cadeysaa ka qoslisaa sidoo kalena la wadaagtaa farxadda.

Waa qeyb kamid ah waxa ugu weyn ee laga doonayo inay mar walba isdhaafsadaan lamaaniyaasha

Xigasho.net

Mogadishu- Somalia

Xigashonet@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..