Daawo Sawirada” Duqa Muqdisho oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay Culimada ku nool Magaalada Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa Culimadda kala hadlay sidii door muuqda ay uga qaadan lahaayeen arrimaha ku aadan xal u helida xaaladda Gobolka Banaadir.

“Waxaan la kullanay Culimada Soomaaliyeed ee degan G/Benaadir waxaana ka codsanay in ay na garab-istaagaan si aan u nabadeyno una horumarino Gobolka Benaadir.

Barnamijka Deriseynta ama Isha-Xaafadda waxaa qayb weyn ka qaadan kara wacyi-gelinta Culimada, si looga hortago sharta nabad-diidka ama argagixisada ee afkaaraha qaldan adeegsada.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho

Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay culimadda Soomaaliyeed inay kala hadleen arrimaha ku aadan dib u heshiisiinta, maadaama Gobolka Banaadir dhawaan uu qabanaayo Shirka dib u heshiisiinta Bulshada degan Muqdisho.

“Waxaan sidoo kale kala hadalnay arrimaha dib-u-heshiisiinta, hanti-isucelinta iyo arrimaha cadaaladda & gar-soorka oo dhamaantood wacyigelin diini ah aad loogu baahi qabo.”

“Ugu dambeyntii waxaan ku casuunay Shirka Wadatashiga Nabadeynta & Horumarinta Gobolka Benaadir oo dhacaya 7-da Janaayo 2018, wayna naga aqbaleen in ay nagala soo qeybgalaan, doorka uga aadanna ka qaataan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu horumarinaayo Gobolka Banaadir, iyadoo laga eegaayo dhinacyada muhiimka u ah horumarka Gobolka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)