Beesha Habar-Gidir oo kulan xasaasi ah qaadatay Kuna dhawaaqday inay Farmaajo iyo Khayre…

Xogta ayaa sheegeysa in Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Habar Gidir ay rajo xumo ka muujinayaan in Madaxda dalka ay ku qanciyaan in la laabo guud ahaan kiiska loo heysto Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur.

Kulamo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa Odayaasha Beesha Habar Gidir waxay sheegeen in Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ay heystaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayna adag tahay in kiiska si hoose wax looga qabto.

Kulanka ka dib waxaa la isku raacay in loo yeero Masuuliyiin hore xilal u soo qabtay, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale oo Beesha ah si wadajir loogu midoobo arintan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga war sugayaa Maanta Maxkamada Racfaanka oo lagu balansan yahay inuu kasoo muuqdo Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur halka uu isaga diidan yahay inuu tago Maxkamada isagoo sheegay in cadaalad uu hore u helay hadana loo maleegayo kiis kale.

Fikradaha Akhristayaasha (0)