Al-Shabaab Oo Sheegtay Dilka Aabaha Dhalay Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida

Xalay ayay aheyd markii agagaarka hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Suuq Boocle ee Degmada Dharkenley lagu toogtay Cali Nuur Shuute oo ah Aabaha Dhalay Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,iyaga oo baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Dilkaas,iyaga oo sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan Waaxda Dowladda Hoose u qaabilsan dhanka dhul bixinta.

Weli majirto cid loo qabtay dilkaas,waxaana Masuuliyiinta Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ay sheegeen in la sameyn doono baaritaan dhab ah si loo helo dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa kordhay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya degmooyinka Gobolka Banaadir,mana jirto ilaa iyo hadda cid ay u qabatay dowladda dilalkaas.

Fikradaha Akhristayaasha (0)