LA OGAADAY: Nolosha Afhayeen Shabaab Cali Dheere Oo Halis Ku Jirta Kadib Markii.

Sidey Ogaatay warbaahinta , waxaa xilligaan halis aan caadi ahayn ku jirto nolosha Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere, kadib markii uu ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday Jubada Hoose.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Cali Dheere uu ka dhaawacmay dhanka feeraha, islamarkaana xaaladiisa meel halis ah ay mareyso.

Duqeymahan ayaa waxaa la eegtay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn.

Cali Dheere waxaa lagu dabiibayaa keny ku taalla gobolka Jubada Hoose, waxaana laga yaabaa in dhan walbo ay xaaladiisa isku bedasho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)