Xildhibaan Villa Somalia looga kacsan yahay oo si Cajiib ah ula hadlay Hogaanka dalka

Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ay go’aamiyeen eedeynta Xeer-ilaaliyaha in ay tahay mid waxba kama jiraan ah.

“Go’aankii shalay ee guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ay gaareen runtii waxaa uu ahaa baarlamaanka waxaa uu leeyahay nidaam sharci iyo qaab uu ku galo ayaa jirta, maalintii la keenay illaa iyo hadda waxay ka baaraan degayeen qaabkii ay u eegi lahaayeen oo ay u fiirin lahaayeen . Go’aankan waxaa waaye eedeyntii meeshaas tiilay wax aan ka qaadano oo meel la tagno wax aan meel geysanno ma heysanno, guud ahaan waxaa loo arkaa inay iska aheyd eedeyn siyaasadeed oo sal iyo raad toona aan laheyn”.

Xildhibaan Xasan Macallin waxaa uu sidoo kale ka Hadley in ay dhammaatay xilligii xabadda oo la aadayo jidka siyaasadda“Waxaan u maleynaa go’aankaan hadda guddiga joogtada ah ee baarlamaanka uu soo saaray inuu wadadii saxda aheyd uu lugta u saari doono, arimahaana meelihii ay lahaayeen waa siyaasadeed, siyaasad la aadi doono oo aysan jiri doonin wax la yiraahdo xabad xarig iyo xoog isku sheegasho inaysan jiri doonin ee la aadi doono jidkii siyaasadda”

Xildhibaan Xasan waxaa uu soo qaatay in mas’uuliyad ka saaran tahay matalaadda shacabka”Annagu waxaan nahnahy siyaasiyiin, waxaan dadka u qaabilsannahay siyaadda dalka, oo waan ku matalnaa marka in nidaamkii aan naqaanay habdhaqankii siyaasadeed in lagu soo noqdo ayuu baarlamaanka ku guuleystay inuu meesheedii u soo celiso.”

Ugu Dambeyntii, waxaa uu Xildhibaan Xasan Macalin ka hadlay dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka ka dhacaya “Runtii maalintaa 17 December iyo habeenkeedii wixii dhacay ayuu waddanka weli ladaalaa dhacayaa, dorraad ayaa ugu dambeysay oo Senatar kale gurigiisa loogu galay, manaqaano xaaladda dalka waxaa uu ku socdo mugdi badan iyo welwal badan ayaa jira, waxaad moodaa mararka qaarkiis in siyaasaddii iyo hogaankii ayba ku adkaatay inay gacanta ku hayaan arimihii dalka”.

Guddiga Joogtada ee Golaha shacabka war uu shalay soo saaray ku go’aamiyay in Xasaanada laga qaadi Karin Labo Xildhibaan oo Xeer ilaaliyaha Qaranka uu dalbaday in Xasaanada laga qaado.

Fikradaha Akhristayaasha (0)