War Deg Deg Ah: Maxkamad La Soo Taagayo Ragii Ka Dambeeyay Qaraxii Zoobe Ee Muqdisho

Waxaa Maanta Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya la horgeeyay 5 nin oo loo heysto Qaraxii 14-kii October- 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho kaas oo dad badan ay Ku dhinteen kuwa kalana ay Ku dhaawacmeen halka dad badan lagu waayay.

Maxkamadda ayaa la horgeeyay shanta ruux ee lagu eedeeyay in Qaraxaasi ay ka dambeyeen waxaana qorshuhu uu ahaa in maanta ay bilowdo dhageysiga dacwadda shaqsiyaadkaasi loo heysto.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa xaqiijiyay in dhageysiga dacwadda dib loo dhigay, islamarkaana Lagu balamay in maalinta Khamiista La bilaabo dhageysiga dacwadooda.

Shaqsiyaadka Maxkamadda la horgeeyay ayaa Ciidamada amaanka Soomaaliya Gacanta Ku soo dhigeen Maalmo uun ka dib Qaraxii Zoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay cadaaladda marsiin doonto dhamaan dadkii ku lug lahaa Weerarkii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara ee 14-kii October.

Fikradaha Akhristayaasha (0)