Daawo Sawirrada: Saraakiil Al Shabaab ah oo iska dhiibay degmada Buurhakaba

Illaa  labo sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa la sheegay in ay isku dhiibeen Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa soo bandhigay Sawirrada Raggaasi oo Magacyadooda lagu kala sheegay Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow, kuwaasi oo horay uga tirsanaa Dhaq Dhaqaaq Al Shabaab.

Dhawaan ayey ahayd markii Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaas diyaarad looga dajiyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Inkastoo weli saraakiishaasi la sheegay in ay isku soo diibeen Koonfur Galbeed aan loo soo bandhigin Warbaahinta.

Fikradaha Akhristayaasha (0)