Immisa Wariye oo sanadkaan 2017-ka lagu dilay Somalia & IFJ oo war ka soo saartay

Sanadkaan saacaduhu ka harsan yahay ee 2017-ka waxaa dunida lagu dilay 81-suxufi,

waxaana warbixin laga soo saaray dilalkooda lagu sheegay dalalka lagu dilay iyo sida ay ugu kala horeen.

Wadamada Mexico, Afghanistan iyo Ciraaq ayaa kaalimaha hore ugu jira dalalka ugu badan ee sanadkaani lagu dilay Suxufiyiinta.

13 Suxufi ayaa lagu kala dilay dalalka:- Mexico, Afghanistan iyo Iraq, Syria sanadkaan waxaa lagu dilay 10 Suxufi, halka India 6 Suxufi naftooda lagu dhaafiyey.

Philippines iyo Pakistan ayaa ka mideysan Min 4 Suxufi oo lagu dilay,

waxaana Kaalinta ugu dambeysa ku wada jira Dalalka Nigeria, Somalia iyo Honduras oo min Saddex wariye lagu dilay.

Waxaa jira suxufiyiin kale oo iyana la kulmay Caga jugleen iyo Xarig lala daba joogo,

waxaana Dowladaha Suxufiyiinta lagu dilay laga dalbaday in ay wax ka qabataan sanadka Cusub ee 2018ka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)