DHAGEYSO: Wasiir Yariisow oo beeniyay warar soo baxay oo ku saabsan werarka Guriga Cabdi Qaybdiid

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay falkii lagu weeraray Hoyga Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Waxa uu sheegay in iminka dowladda Soomaaliya ay wado baaritaano dheerad ah isla markaana cid alaala cidii falkaas ku lug yeelata la soo bandhigi doono.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Voa-da ayaa la weeydiiyay in ay jireen Warar soo baxayay oo sheegayay in ay Guriga weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Runtii waxaan kuu sheegayaa majirto ciidamo ay leedahay dowlad kale oo dalka ka howlgalla balse dowladdu baaritaan ayay ku heysaa wixii dhacay si loo soo qabto kuwii ku xadgudbay sharciga dalka ayuu yiri Wasiir Yariisow”

Fikradaha Akhristayaasha (0)